Waxaan
qoraalkaan gaaban uga hadli doonaa in sha allah waqtiga iyo muhiimadiisa waxaan
si gaaban wax uga oran donaa muhiimdda waqtiga, sida looga faa’iideysan karo,
sida loo maareeyo iyo waliba waqti dhumiyaasha ama waqti dilayaasha iyo waliba
waxyaabo kale oo dheeraad ah.
muhiimdda waqtiga,
muhiimada
waqtiga qofkasta oo caqli u saaxiiba wuu yaqanaa ma ahan in aan hadda idin
baraa lakiin waxbaan iska xasuusineynaa, sida aan wada ogsoonahay muhiimada
waqtiga waxaa nooga hadlay diinta islaamka ee aan ku dhaqano iyo waliba cilmiga
maadiga ah. Waxaa layirahdaa qofka noloshisha waa waqtiga uu nool yahay sidaa
dardeed miyaysan aheyn haddii qofku waqtigisa khasarsho in uu khasaariyay
noloshisha? waxaa intaa oo dhan nooga filan muhiimadda waqtiga in ay kamid
tahay su’aalaha qiyaamaha la isweydiin doono haddii hadda sida ugu wanagsan aan
uga faa’iideysano baridu su’alahaas jawaabo waan u heli karnaa, marka waxaan ka
faa’iideysan karnaa oo kaliya inta uusan dhaga dhamaan, goorma ayuu waqtigu
naga dhamahaa? Waa su’aal aan qof kaga jawabto laheleyn sidaa dardeed wuxuu kaa
dhamahaa markii geeridu kugu soo kulanto markii nafta lagaa siibo inta ka
horeysa oo kaliye ayaan fursad u heysanaa in aan ka faa’iideysano .
sida looga
faaa’iideysto
waxaad uga
faa’iideysan kartaa waqtiga adigoo fahma qiimaha uu leeyahay waqtigu markaad
fahamto intaa ayaad bilaabi kartaa ka faa’iideysigisa haddii aad ka
faa’iideysado waqtiga waxaad ka faa’iideysaday noloshada, sidaa dardeed guusha
aad noloshada hananeyso waxey ku xiran tahay sida aad uga faa’iideysaday
waqtigaga, fahamka nolosha waxey ku xiran tahay sida aad uga faa’iideysado
waqtigaga sidaa dardeed waa in aan waqtiga ka faa’iideysigisa aad si wanagsan u
fahamto. Waa in aad ka jawaabi kartaa su’aalaha soo socda :
1. Maxey faa’iido ii leedahay in aan ka
faa’iideyto waqtiga?
2. Side ugu wanagsan oo aad uga
faa’iideysan karaa waqtiga?
3. Haddii aanan ka faa’iideysan maxaa
igu dhacaya?
4. Haddii sidii larabay aan uga
faa’iideysto maxan faa’iideyaa?
Su’alahas iyo kuwo kale oo badan ayaa laga doonayaa in aad
isweydiiso.
sida loo maareeyo
sida loo maareeyo waqtiga wax badan ka oran mayo adiga iyo
dadaalkada ayay kugu xiran tahay, lakiin sida ugu fudud ee aad u maarey karto
waqtigaga waa in aad jadwal howleyd aad leedahay, haddii aadan laheyd jadwal
howled shaqo ma maareyn kartid, sidaa awgeyd hadda ku dhaqaaq in aad sameysado
jadwal howledkada aa cidi kula maamulin, waxaad heysataa 24 saac oo kaliya
maalin kasta sidaa awgeyd waa in aad saacad kasta qorshaha aad leedahay uu
noqdaa mid qoran oo cad ogow 86,400 oo ilbiriqsi in ay ku jirto 24 sacadood 1
ilbiriqsi kasta markuu kaa go’ waxaa naaqusay waqtigaga qeyb kamid.
waqti dhumiyaasha ama
waqti dilayaasha
haddii aan
isla soo fahamnay muhiimadda waqtiga,
faa’iidadisa iyo waliba sida loo maareeyo. Waxaa noo fudud in aan si gun dheer u
fahamno waqti dilayaasha sababtoo ah wixii caqabad ku noqda inta aan
kor ku soo xusay waxey noo galayaan waqti dhumiyaasha sidaa awgeyd haddii aan
faham ka qaadano sida loo maareeyo waqtiga
waxaa fudud in aan fahamnay ciwanka ah waqti
dilayaasha. Waxaa jira waxyaabo badan oo aad laxawsado lakiin cadaw ku ah
waqtigaga oo si aadan filaheyn waqtiga kaaga dhumiya waxba ma sii fahfahinayee ee
iga qabo magacyadoda si fican ugu dhega nuglow oo iska jir : talefoonkada,
booqdayasha aan la balamin, kumbuutarkada, casuumada qowskada, aaladaha ay bulshada ku kulmaan,
kulama aan qorsheysneyn iyo waliba daalka ama walaaca sida caajiska iwm.
wixii aan saxay waxey ka ahadeyn allah xakisa wixi aan qaldana naf iyo sheydaan.
wixii qalad ah waad isixi kartaa walal iguna soo hagaaji:
myariisow114m@gmail.com/252615200114 ama facebook myariisow
w/Q: mahad salad mohamud (myariisow-dhiirigaliye)
Comments
Post a Comment