How to achieve your goals ( side baa u hanan kartaa hadafyadada)



Qoraalkaan gaaban waxaan ku soo bandhigaa ama ugu hadlayaa qodobada soo socda waxaad fahan kaa siinayaa qodobkasta doorka uu ugu jiro hanashada hadafyadada hadaba sidey u kala horeyaan ayaan ugu hadlayaa
1.     Dajinta hadafyada
2.     Hormarinta istarajeediyada aad ku hanan karto hadafyada
3.     Lahaanshaha qorshe filiceed qeexan
4.     Aaminida nafsadaada
5.     Dib u milicsiga hoolahaga
6.     Dhiirigalinta nafsadaada
    Inta anaan bilaabin 6da qodob faaladooda waxaa  ka hor marinayaa ama aan isla fahmeynaa waa maxay hadaf? Maxey tahay muhiimadiisu? Adigu joogitaanka aad dunida joogto waa maxay hadafkedu? Iyo dhoor su’aalood oo kale waan filaa in aad su’aalahan ka jawaab celin karto aadna xiligaan ka fakareysid wax yaabo badan oo la xiriira su’aalahan. Hadaf si kooban haddan u sheego waa ujeedo, hadaf waa meesha aad tiigsaneyso taas oo aad dooneyso in aad gaarto ama aad hanato, hadaf waxaa loo qeybiyaa mid waqti dheer kuu qorsheeshan iyo mid waqti gaaban ah. Adiga hadafka dunidaan aad u joogto waxaa noo sheegay allah subxaanahu watacaa wuxuu na yiri: jinni iyo insi waxaan cibaadadeyda aheyn uma abuurin. Adh-dhaariyat(56) waaan filayaa in aan aayadaas macnaha allaah uu noo abuuray oo dhan aan ka fahmeyno taas oo hadafku yahay in aan allaah kaligiis caabudno. Hadaba haddii aan aragnay in koon kaan aan joogno hadaf aan ku joogno maxaa naga hor taagan in aan aniguna hadaf aan waajibaad keena ku gudaneyno aan dajisano oo aan waqti kaste qorshe ku socono. Haddaan waxaan isla fahmi karnaa muhiimada mowduuca intaas waxey aheyd gogol xaar mowduuca markaan waxaan soo qabanayaa qodobka kowaad 
1. Dajinta hadafyada
Marka kowaad liis ka samey dhamaan hadafyada aad dooneyso in aad hanato(gaarto). Ogow haddii aadan garaneyn ama aadan hubin waxa aad rabtid. Waxaad akaliya oo aad hadda  diyaar u tahay in aad aqbasho waxkasta oo aadan filaheyn, ka soo tag taas maskaxdada ku hay in hadafyadu ay yihiin markasta waxa dareenka leh ahna meesha laga dhaqaaqo, in aad mararka qaar bilawdaa ama dajisaa hadaf aadan ka dhameheyn macno kuma fadhiso waxaa lagaa doonaa waxa aad dajisaday in aad ka mira dhalin karto oo aadan ka caajisin illaa aad waxaas mirahooda soo guraneyso. Markaad liiska qoreyso u kala hormarso sida ay u kala muhiimsan yihiin hadafyadada taas waxey kaa caawineysaa in aad diirada saarto sidey u kala mudan yihiin. Liiska markasta oo aad hanato gaarto hadaf kugu jiray waad ku guuleysaday ee calaamadeyso. In aad qortaa hadafyadada sidoo kale waxey kaa caawineysaa in aad xaqiiqsado sidey u kale mudan yihiin kala hormarintoda .
2. Hormarinta istarajeediyada aad ku hanan karto hadafyada
Markaad tixdo hadafyadad, waxaad markaas u baahan tahay in aad baarto ama aad raadiso sidii u hormarin laheyd qaabka aad u wajaheyso si aad u buuxiso ama aad u fuliso hadafyadada.  Tusaale: haddii liiska hadafyadada uu kuugu jiray kasbashada asxaabtada, dabeecad wanaga, sidaa dardeed marka aad rabto in aad kala hormariso keebaa mudan in aad soo hormariso, adigoo dabeecadada wanaajin mala yaabaa in aad kasbado asxaabtada jawabtu waa maya sidaa awgeyd ku hormar dabecad wanaga. Waxba ma hanan kartid hadafyadada haddii aadan sida ugu wanagsan u kala soo hormarsan
3. Lahaanshaha qorshe filiceed qeexan
Liiskada aad horey u soo sameysay waa in aad u sameysaa qorshe ficileed oo qeexan tusaale: hadafyadada uu kuugu jiray kasbashada asxaabtada, dabeecad wanaga, waa maxay habka ugu saxan ee aan ku kasban karo asxaabteda, wuxuu noqon karaa in aad qadarisid fakirkoda,ixtiraamto hadalkoda, si daacad ah aad ula dhaqanto, aadan dhaleeceyn oo aadan ceebahoda sheeg sheegin markaad intaas markaad  sameysay oo aad ku darsado qorshahaga waxaa kuu fududanaya in aad wax badan ku dhaqaaqto, qodobada kore oo dhan waa hadal kan lakiin waxaa lagaa doonaa waa ficil aad ku dhaqaqdo.

4. Aaminida nafsadaada
Haddii aad dooneyso in aad ka miro dhaliso hadafyadad oo aad noqoto qof guuleysta waqti kasta waa in aad aamintaa nafsadaada oo aad isku kalsoonaataa , dadka guuleysta dhamaantood waxa ay ku guuleysteyn waa is aaminaan ay nafsadooda ay aaminsan yihiin hadii aadan adigu isku kalsooneyn waa kuma qofka kugu kalsoonahaa?  Waa in aad kalsooni ku qabtaa waxa aad qaban karto iyo waxa kale taasi waxey kuu horseedi doontaa guul ma dhamaato ah. Haddii aad isku kalsoonaado waa qasab waad hanan kartaa hadafyadad, waadna ka guul gaari kartaa ogow haddii lagaa waayo kalsooni waxa kale oo dhan waa bacaad idlo ah camal.

5. Dib u milicsiga hoolahaga
Xaqiiji oo waqti kasta isha ku haay sida ay u socdaan hoolahaga aad qabay iyo aad qaban rabtid intaba, baaritaan ku samey sidii aad ku gaari laheyd hadafyadad . haddi aad hanato hadafyadad qaar kamida u habalyey dadkii ka qeyb qaatay sida asxaabtada, qowskada. Haddii aad gaari weysay isweydii waxa kaa qaldoomay oo raadi xalka. Illaa aad xalkaas hesho nasiino meel kuuma taalo, markii aad gaarto hadafyadad khaar kamid ah naso oo nafta u raaxeey oo abaal mari naftaada dadka kalab waad abaal marineysaye.

6. Dhiirigalinta nafsadaada
Dhiirigalintu waa waxa ugu weyn ee kuu sahlaya in aad gaarto hadafyadada, dhiirigalinta waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo waweyn mid adiga gudahaga ah oo aad adigu is dhiirigalineyso iyo mid adiga dibadada ah oo banaanka kaga imaheysa ama kaa sameheyse waxaase marka kowaad muhiimsan in aad adigu is dhiirigaliso oo aad isku day sameyso markaad xogaa kaxeyn weysao oo shidaalku kaa sii dhamahaayo markaas ayaad midas banankad ah raadsan kartaa taan meel kaste ayay talaa sida in aad gasho websites, CD, machadyada tababarka nolosha, iyo shaqsiyaadka wax dhiirigaliya taasna waxey laf dhabar u tahay hanashada hadafyadada.


FIIRO GAAR AH: Wixii qalad ah waad sixi kartaa mahadsanid
Wixii faahfahin intaa dheer igu soo hagaaji:                                                                      myariisow114m@gmail.com/this blog/00252615200114/page facebook: myariisow-dhiirigaliye
W/Q: mahad salad mohamud (myariisow-dhiirigaliye)




Comments

  1. masha allah waa cashir sameen ku yeeshay nolosheeda aad ayan ugu mahad celinaa qoraaga

    ReplyDelete

Post a Comment