MA IS OGTAHAY ADIGU QOFKAAD TAHAY?




MA IS OGTAHAY ADIGU QOFKAAD TAHAY?


                                           I.            Adiga iyo guusha
                                        II.            Yaa guuleysta?
                                     III.            Kumaad tahay adigu?
ADIGA IYO GUUSHA
Guushu shaqsi ay la dhalatay maa jiara? Ama shaqsi heysta oo aan ka raadineyno? mise shaqsi baa noo keenaya oo aan ka sugnaa? Guusha qofkii raadsha oo boholyow uqaba ayaa hela qofkaste ma hesho ee adigu baahi ma u qabtaa oo wax aad rabto in aad ku guuleysato majiraan mise sidaad tahay iyo heerkada ayaad ku qanacsan tahay?  Qanaco haddey jirto baahi kuma heyso. Dadka oo dhan wey u simanyihiin fursadaha lagu guuleysan karo lakiin waxey ku kale duwan yihiin isku tayga iyo baahida ay u qabaan guusha.
YAA GUULEYSTA?
  waxaan filayaa markaan maqalno waxbaa lasameyay waan layaabnaa oo waxan ku fakarnaa qofkaas sidee buu waxan u sameyay runta ayaa waxa ay tahay haddii adigu aad is fiir fiiriso oo aad fakarto oo aadan banaankaga mahane adiga gudahaga iyo awoodahaga ka fakerto wax kasta oo aad maqashay in uu qof soo saaray wax ka mucjiso badan ayaad soo saari kartaa is eeg oo gudahaga weyneyso ku fiiri markaas ayaad waxad arki kartaa qofka aad tahay iyo waxa aad isku moodo.   Markaad is ogaado waxaa kuu soo bixi doona in aad fakir gasho  kadibna aad ficil ku xijiso kadibna aad wax aad layaabto soo bandhigto waxaas oo dhan waa hadal laakin waxa lagaa doonayo oo aad wax ku xaqiijin kartaa waa ficil.
Dunida waxaa dadku isticmalan oraahdaan ah qofku in uu riyoodo kuna daro doorasho habkii uu riyadaa uga rumey lahaa kadibna uu ku daro ficil waxaa soo baxaya guusha uu ku hamenayey. (riyo +habkii+ ficil= guusha).
       KUMAAD TAHAY ADIGU?
Dadka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood iska fiira qeybta  aad ku jirto waa:
1.           Qofkii ficilka ama waxa sameyay
2.           Mid fiirsanay
3.           mid la yaaban midka fiirsanaya
qofka aad tahay yaa og waa adiga markaad go’aansato in aad wax sameyso inta aadan wax isku dayin kalsooni shub kasameysan sameyso oo diyaar garow adag ku dar waa qodobo wanagsan oo wax kasta kuu fududeynaya hadaba haddii ay kalsonidadu yartahay waxa markaad bilawdo waxaa liitay  diyaar garowkagii hore  markaas ayaad dhax uga hari doontaa hooshii sidaa daraadeed iska adkey kalsoonida aad naftada ku qabto markaad wax curineysid diyaar garowna ku dar.
            Markaad bilawdo in aad wax soo kardhiso waxaad yeelan doontaa dad badan oo aan waxba soo kor dhineyn dacaayadaada ku shaax cabaya hadaneyn oo dhag ha u taagin danahaga iyo qorshahaga ka raaco oo sii wad.  Qofkii si wanagsan wax kaaga saxana soo dhawey asagaad dadka ku leedahay laakiin waxa aad niyaysaday qof hadalkiis ha uga harin waa hadii aysan qof dhib u geysaneyn.

Waxkasta waad qaban kartaa waad noqon kartaa waxaad tahay halyaay geesi sooma jeestaan ah ka dhabey riyooyinkada oo sida ay u kala fudud yihiin u soo kala hor marso . Ogow id aad tahay mucjiso sababtoo ah qof kugu fekir, caqli, muqal,dabecad, waxkasta oo aad adigu tahay majiraan qof kula heysta sidaad doonto u raadi majirto sidaa awgeyd waxaad soo kordhin karto qof soo kordhin kara kaama danbeeyo haddi aad ka fadhisato oo aadan soo ikhtiracin qof kale oo soo ikhtiraca ama soo shaac bixinaya majiro awoodaas adaa dayacay jiifka ka toos. Fekirkadu dunida dhan ayuu labo mid u horseedi karaa mid wax hagaajiya ama mid wax khasaariya.

Comments