NOQO SIDA HARADA OO KALE

SHEEKO: NOQO SIDA HARADA OO KALE
Oday ayaa arkay wiil yar oo aan faraxsaneyn markaas ayuu u dhiibay sacab buuxa oo cusbo ah oo ku dhahay ku dar galaskan biyaha ah kadib dhedhemi biyaha? Sidee u dhadhamayaan ? Wuxuu dhahay waa dhanan, kadibna markale ayuu sacab cusbo ah u dhiibay oo uu ku dhahay soo bax kadibna wuxuu keenay haro kuna dhahay ku shub cusbada harada wuxuu ku yiri dhedhemi biyaha? Sidee u dhadhamayaan ? wuxuu ku dhahay wiilkii si fiican kadib ayuu ku yiri dhanan mahan? Maya ayuu ku jawaabay. Markaas ayuu la fadhiistay kuna yiri xanuunka nolosha waa sida cusbada oo kale mana badna mana yara, xadiga xanuunku waa isku mid lakiin waxey ku xiran tahay weelka uu ku jiro macnaha markaan murugo ama xanuun dareeno waxa kaliye ee kuu banan waa in aad dareenkada balaarisaa.
Maxey kula tahay fahamkada?
Tulucda sheekada: noloshu waxey isugu jirtaa macaan iyo qaraar midka aad fekerkiisa badsadaa ayaad heleysaa markasta farxad dareensii oo qosol ku dar xiddee haddii dhib kan ugu weyn ku heysto ka dheraw muruga unugyada jirkada ayay waxyeeshaa. (App m. s.)

Comments