SIDE KU HAGAAJI N KARTAA HAB DHAQANKA BULSHADA

1.     SIDE KU HAGAAJI N KARTAA HAB DHAQANKA  BULSHADA

                                                       I.            Habka aasasiga ee aad ku hanan kartid dadka
                                                    II.            sirta aad saxiib wanagsan ku noqon karto
                                                 III.            Dooda wangsan waa tuma?
HABKA AASASIGA EE AAD KU HANAN KARTID DADKA
Kula dhaqan dadka sida wanaga badan ee aad jeclan laheyd in lagula dhaqmo noqo qof dadka ula macaamile si xirfad wanagsan oo lagu jeclan karo, noqo qof u dhoola cadeya dadka, deeqsi ah,markaad hadleysana run ku hadal oo wajikaga ha laga daremo in aad dhab ka hadleyso, qof kaftan hufan oo fur furan noqo.
Haddii aad rabto in aad malab gurato waa in aadan ka baqin qaniyada shinida sidaa awgeyd markaad dadka la macaamileyso waxaa ku soo wajahaya dhibatoyin badan xidee waxaa dhacda markaad dadka qaar qadarisid in ay iskala ka weynadan, kuwa qaarna is dhehaan dan gooni ah ayuu idinka leeyahay, kuwa qaar jiljilecada iyo wanaga iyo xushmadda aad la rabto ayay hoos kugu dhigayan marka waxba ha  u istagin muhimadadu waa hanasha qalbiyada ku jecel iyo kuwa ku neceb labada qofkii naceyb kugu qabila jaceyl ku qabil.
Waxa kale oo dadku kugu jeclan karaan adiga oo caawiya markii ay xaaladu ku adag tahay oo ay kaalmo u bahan yihiin markaas xidee saa’id ayay kuu xasuusan doonan, awoodahena aan qof qalbigiisa ku hanan karto kuna guuleysan karno  jeceylkisa taas ayaa nolosha farxad siineysa.
Dhinaca kale haddi aan ka fiirsho ogow haddii dhaliil ama fadexad ama wax aan la jeclaysan oo aad qofka ku sameysaa in ay guul daro ku tahay la dhaqanka bulshada, iyo xitee cabashada badan qodobadas iyo kuwo kale ka dheraw.
SIRTA AAD SAXIIB WANAGSAN KU NOQON KARTO
Haddii aad dhowrka qodob ee soo socda aad si sax ah ugu dhaqanto waxad noqoneysa saxiibka qof kasta .
Qof  ha dhaleeceyn oo ceybihiisa xitee haddii aad aragto ha sheeg shegin
Noqo qof si daacad ah ula dhaqma qof kasta khayamana ka dheraw
Sida aad jeceshay in laguu caawiyo u caawi dadka kale oo guusha la doon
Qofku markuu war kuu sheegayo aad u daney oo u muuji in aad hadalkiisa ku macan saneyso oo uu xiiso kugu hayo.
Markaad sheekeyneyso ama aad qof lahadleyso dhoolo cadeyn ku qaabil xitee cafimaadkada wey u wanagsan tahay.
Markaad qof qaabileyso si saaxiibtinimo ah ku qaabil oo farxad gali
Xasuuso magacyada dadka aad la macaamileyso oo ugu yeer taas waxaa la ogaaday in marka aad qofka magaciisa ugu yeerto in uu aad ku qadarin doono tijabi adiguna.
Dhageyste wanagsan qono oo dadka ku dhiirigali in ay shaqooyinkoda ama hoolahoda ay dhameystirtan kuna farxaan.
Ku hadal oo u sheeg qofka aad la hadleyso waxyabaha uu daneynayo si uu kuu xiiseyo.
Qofka markaad la kulmeyso u muuji in aad aad u xiiseneyso kulankiisa
Dhamaan qodobadaas waa in ay kaa ahadan daacad iska yeel yeel aadan joogteyn Karin waa lagugu naci donaa.
DOODA WANGSAN WAA TUMA?
Waxaan ogsoonahay dhamaanteyn in bani adamku dood uusan ka leexaneyn gaar ahaane umaddena soomaaliyeed qaarkood oo dooda faan iyo wax wanagsan u heysta qof kastana uu jecel yahay in uu dhinaciisa guul ka gaaro dooda , xikmad oranaysa ayaa jirta qofka kula dooda ma ahan in uu cadawkaga yahay kan aan kula doodina ma ahan in uu saaxiibkaa yahay.
Doodu sideedaca wax wanagsan ma ahan oo diinta islaamka ayaa nafareysa in aad ka dherano waxan oran karnaa marka dood wanagsan ma jirto lakiin haddii ay dood dhalato habka ugu wangsan ee aan ku mareyn karno waa maxay?
Haddii ay tahay doodu dood cilmiyeyd la filayo in gun dhig ay leedahay waa mid meesha ay u socoto la saadaalin karo lakiinse haddii ay tahay mid aan cilmi ku dhisneyn waxey keeni kartaa is naceyn waxa wanagsan in aad ka dheeraato, dood iyo kaftan waxaan filaa in aan si wanagsan u kala saari karno, markaad doodeyso waxa wanagsan waxa aad ku doodee cilmi ma uleeydahay sida loo dodo xitee waa cilmi dhan oo la barto, tankale marka aad doodee hadaladada ma xakameyn kartaa oo xumaan maka dhoori kartaa?

Caqliga  wanagsan ma han in aad ku guuleysato dooda ama muranka ee waa in aad ka dherato. Taas ayaa ah xikmada ugu wanagsan ee aad sal ku dhig ka dhigan karto.

Comments