Hormarinta iyo tabobaridda shaqsiga Cudurka wahsiga

Hormarinta iyo tabobaridda shaqsiga
Cudurka wahsiga
Wahsi waxaan filaa in aad u heysatay wax iska liita oo aan sameyn weyn kugu laheyn lakiin wahsigu waa cudur ka daran cudaradda wax dila, kuwa qofka xubnihiisa awood tira, kaba sii daran cudurka cancerka, dhiig karka, macaanka iyo cuduro badan oo  jirka iyo caqliga qofka saameeya, maxaan sidaan u leeyahay sababta ayaa ah cudaraas aan kor ku soo xusay dhammaan ama badankood waad la noolaan kartaa waxna waad qabsan kartaa


lakiin cudurka wahsiga haddii aad qabto waad isla quman tahay  oo isma ogid in aad jirro ladaalan dhaceyso adigoo dhiban ayaad hadana qumanahaagu qoorta kuugu jiraa.
Qeexid: wahsigu waa in aadan qaban howl lagaa sugayo qabashadeyda taas oo aad dib u dhigatay sabab la’aan. Waxaad manta qaban karto barri ha la sugin
Cudurada aan kor ku soo xusay dadka qaba markey baaritan tagaan daawoyin kaalmatiya ayaa la soo siiyaa lakiin wahsi wali dhaqtar ma ugu tagtay? Weli khabiir igala tali ma dhahday? waxaan filaa in aysan dhicin haddii ay dhacdana ay yartahay,                                                            cudurkaan waxa uu uga daran yahay cudurada aan kor ku soo xusey calaamadahaan:
1.      Qofku iskuma-oga iskamanna daaweeyo.
2.      Wuu isla saxan yahay oo xitee bulshada ayuu qabadsiiyaa
3.      Dadka qaba nolosha kuma farxaan oo eedeyn ayay waqtiga ku lunshaan
4.      si sahlan ayuu ku faafaa oo waxad arkeysaa qof meel fadhiya oo wahsanaya dad  badan oo ag fadhiya.
5.      Dadku maqarsadaan wey shegaan ayagoo isla quman cuduradda kale waa lala amusaa
6.      Dadka qaba ma isceybsadaan oo wey ku fanan “waan wahsanaa ee waxaas ii soo qabo” ceyb kuma dhinna haddii aad saas tirahdo
7.      Cudurkaan waa cudur joogto ah dadka meel kuwada nool ama kawada shaqeeya  wey is-qabad siiyaan
8.      Cudurkaan  qofka wax-qabadkiisa ayuu hoos u dhigaa
9.      Cudurkaan wuxuu khasaariyaa noloshaada qeyb ka mid ah sida: waqtiga
10.  Cudurkaan haddii aadan iska qaban naafo ayuu kaa dhigaa macnaha awoodaha allah ku siiyay qeybo ka mid ah ayuu kaa dhantaalaa
Waxaan filayaa markaan in aad diyaar u tahay sidii aad isaga suulin laheyd cudarkaan wahsiga, bal buug iyo qalin soo diyaarso oo wixii daawo ah adigu isku qor oo isticmaal sida aad u qoratay adiga ayaa iga og waad iska suulin kartaa kaligaa adigoo aan kaalmo kale raadin.
Maxaa ka dhasha cudurkan
1.      balan kabax ayaa ka dhasha wahsiga, balanta oo laga baxo waa sifo k mida calaaamadaha nifaaqa (munafiqnimadda)
2.      wuxuu keenaa dib u dhac dhinac kasta ah gaar ahaan hormarkaada
3.      cibaadadda waajibka iyo sunnadda oo laga mashquulo
4.      cabasho joogta ah,  cabashadu waxey hoos u dhigtaa heerkada nololed wey ku cuuyaamisaa
5.      murugo iyo shalayto waqtigii wahsiga kugu dhaafay
6.      kalsooni darro iyo dadaal xumo,  iyo kuwo kale oo badan.
Talo bixinta  ugu wanagsan ee aad isaga daaweyn karto cudurkan waxa ka mid ah:
1.      waa maxay waxa aad ka wahsaneyso? Miyeysan faa’iido nafeyd kuu laheyn? Maxaa kuu keenay in aad ka wahsato? Miyaadan wahsi ma aha ee aadan xal kale u heynin?  Oo hadda maad xal u raadisid su’aalahan mise wahsiga ayaad ku qanacday?                      
2.      Sidii maskii u xuub siibo, waxaan kala jeedaa adiga oo dhan isbedal la imaw
3.      Si gooni ah waxaad xoogga u saartaa maareynta waqtigaga waa qodobka ugu wanagsan ee aad aga hor tagi karto cudurkaan
4.      Jadwal maalmeyd sameyso aad maalinkaste ku shaqeyso haddii saacad kasta wax ku qorshesan yihiin aadna qabato waxii kuu qorsheysnaa meel uu kaa soo galo ayuu weynayaa cudurkaan.
5.      Ogow jadwalka ayuu kaa soo dhex gali karaa si aad uga fogaato waxkaste waqti ay bilawdan iyo mid ay dhamadan u samay
6.      Haddii aad jadwalkada joogteyso nolosha qeyb ka mid ah ayuu kuu noqon donaa lakiin bilawga hore dadaal badan ku bixi dadaalaa wuu gaaraa
7.      Wuxuu kaloo kaga faa’iideysan karaa adigoo shaqo fara badan qabta kadibna cudurku ku haleelo shaqo kasta waqti aad wax kale oo nafta farxad galinaya aad qabato nasiino yar oo aad ku mashqusho wax nafta faa’iido u leh sida cabitaan qabaw ama wax qurxoon oo aad fiirisaa sida haddii aad heleyso beerta nasiinadda
8.      Naftaada ha u ogolaan in ay ku raxeysato wax qabad la’aan shaqada iyo wax qabadka bar sidey u macaansan laheyd
9.      Cudurkan waxaa kaloo looga hortagi karaa si wadjir ah ayadoo la isku wacyi galiyo oo qofkii waan wahsanaa dhaho lagu ceebeyo
10.  Cudurka wahsigu waa cudur si fudud loo suulin karo laakiin in uu dib u soo laabtaa waxey ku xiran tahay hab difaacaaga.

Waxaan ku soo ganaanudayaa cudurkaan xigmad caan ah ayuu leeyahay oo ah “wahsigu waa tuuga ugu weyn ee waqtiga kaa xada”
W/Q: bare mahad salad mohamud baremyariisow
myariisow114m@gmail.com/252615200114

Comments