YAA DARBEEYEY BISADDA?, who kick the cat?


YAA DARBEEYEY BISADDA?
Aabe ayaa marka uu shaqada ka yimaado wiilkiisa yar ciyaarsiin jiray.Maalin maalmaha ka mid ah,ayuu aabihii shaqadiisii aaday isagoo faraxsan, markaas ayaa waxaa xaafiiskiisa ugu yimid maamulihii.Canaan iyo dhaleecayn ayuu dhagaha ka saarey Markaas ayuu xoghayihiisii ku amray in qeyb kale oo waraaqo ah loo geeyo, sidii uu u sii socday ayuu waraaqihii ku tuuray dhulka waxaa la murmay oo yiri waraaqaha miiska saar maamulihii.Cabbaar kadib ayaan xalinayaa ayuu isna ugu jawaabay ninkii uu u geeyay waraqaha, muran iyo caay kadib wey kala tageyn waqti yar kadib ayaa waxaa yimid shaqaalaha nin kamid ahaa oo maskiin ah, markaas ayuu maalmulkii wuxuu ka codsaday in uu fasaxo si uu caruurtiisa iskuulka uga wado oo uu guriga u geeyo.Maamulihii intii fasax laga sugayey ayuu dhaleecayn iyo canaan dusha ka saaray ninkii, kuna yiri:"ku laabo shaqada".Ilmihii qof wada markii lawaayey ayaa macallin macallimiinta ka mid ahaa gurigii geeyey alaab ay ku ciyaaraana siiyay markii ninkii la fasixi waayey ee uu gurigii ku laabtay ayuu wiilkiisu ku soo orday oo uu ku yiri:Aabbe macallin ayaa alaabtan isiiyay wuuna iska riixay oo sidii uu markii hore ku qaabili jiray maahane si kale ayuu ula dhaqmay wiilkii hooyadiis ayuu u sheegay oo uu yiri:"aabbe waa uu iska key riixay", wiilkii yaraa isagoo xanaaqsan ayey bisadiisii ku soo oroday, bisadu waxay wiilka uga baratay in uu dheelsiiyo kadib ayuu darbeeyay bisadii. Yaa darbeeyay bisadda?.
Waxaan filayaa in aad jawaabta heyso akhriste waxaa bisadda darbeeyey waa maamulaha shirkadda ?  sababtu waa maxay? Adiga ayaan kuu daayey jawaabta.

Dulucda sheekadu waxay tahay haddii wax naga qaldamaan ama nalaga xanaajiyo waxaa muhiin ah in aan maamulno xanaaqenna sidaas awgeed, haddii aad dad maamule u tahay waa in aad si wanaagsan ula dhaqantaa.Waxa aad arkeysaa saameyntu waa ay isku xiran tahay. ((Al-Arifi, 2008))

Comments