WAA MAXAY VALENTINE’S DAY (MAALINTA JACAYLKA)

WAA MAXAY VALENTINE’S DAY (MAALINTA JACAYLKA)
HORDHAC
 Waxaa maanta oo kale la xusaa  14ka Febraayo oo loo yaqaanno Maalinta Valentine oo ay dadku u yaqaanaan “Maalinta Jacaylka Aduunka” ama Valentine's Day . Dalalka reer galbeedka maanta oo kale waxaa la is dhaafsadaa fariimaha jacaylka xambaarsan dadka is jecelna way isla xiriiraan ayagoo muujinaya in lajoogo maalin ku wayn Jacaylka ayna qasab tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo. Waxay u arkaan inay tahay maalintii uu dhashay jacaylka! ama uu xornimadiisii helay sidaa darteedna ay waajib tahay in la xuso oo xushmadna lasiiyo.
 Qoraalkaan gaaban waxaan uga jawaabi doonaa  su’aalaha ah: maxaa ay  tahay Valentine’s day,  halka uu ka soo bilowday xuskaan ama uu ku abtirsado iyo diinta islaamku waxa ay ka qabto.
MAXAA AY  TAHAY VALENTINE’S DAY (MAALINTA JACAYLKA)
 Maalintaan waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Romans-kii hore, 14ka Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno oo ahayd boqoradda Ilaahyada Romans-ka. Waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno Ilaaha haweenka iyo guurka . Maalinta ku xigta oo ah 15ka February waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.
 Boqortooyadaas oo la oran jiray boqorkeeda Emperor Claudius II ee Roma wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor-ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo ciidankiisa iyo dagaallada uu galayo. Wuxuu rumaysnaa in aysan nimanka Romans-ka aynan rabin in ay ka tagaan jeceelkooda iyo qoysaskooda. Boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay Boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuxuuna mamnuucay in la is guursado si ninku uunan u yeelan qof uu ku xirnaado badalkeedana sida dabaal daggii Lupercalia ay iskula raaxaystaan ragga iyo dumarka guurkuna uu meesha kaboxo.
Valentine  wadaad kirishtaan ah oo lagu magacaabo ayaa markaas ka hor yimid xukunkii boqorka wuxuuna bilaabay inuu qarsoodi u guursado gabdho yar yar oo badan dadka   kalena uu ka caawiyo iney is-guursadan. Kadib markii ay akhbaartaas gaartay boqorkii wuxuu amar ku bixiyay in la soo xiro kadibna waxaa lagu jir dilay xabsigii halkaas oo uu  ugu danbeys ku dhintay maalin ay aheyd 14 febraayo.
Waqti kadib taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo laxuso sanad walba bisha febraayo 14ta waxaa lagu soo biiriya 15 febraayo oo ay xusi jireyn Ilaahoodi Lupercalis oo ahaa sanam ay caabudi  jireyn kadibna sidaas ayay waxey ku noqotay maalin kuweyn kuwa heysta diinta kirishtaanka taas oo ay xusaan sanad walba oo aan la hilmaami Karin marka la soo gaaro 14 febraayo.
Baadariga Pope Galasius ee Madahabta Kirishtanka ee Protestan (Protestant Christian Church) ee Rome ayaa sanadki 496m markii ugu horeysay taariikhda si toos ah u dooratay ama aqoonsaday Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.
MAXAY DIINTU KA QABTAA XUSKA VALENTINE’S DAY?
Waxaa lawaydiiyay culimada iyo shuyuukhda Islamka su’aasha ah: waa maxay xukunka dabaaldaga Maalinta Jacaylka (Valentine Day) iyo in la’iibiyo waxyaalaha ciidaas loo isticmaalo? Waxay ku jawaabeen sidan:
Kitaabka, Sunnada iyo Culimadi Salafka intaba waxay cadeynayaan in Islamku uu leeyahay laba ciid oo ah Fitri iyo Adxa, wixii kasoo hara ciidahaas waa bidco aynan u banaanayn Muslimiinta inay ka qayb qaataan, muujiyaan ama ay ku farxaanba “qofkii tallaaba xadka Ilaahay naftiisa ayuu dulmiyay”. Waxaa intaas dheer tan inay tahay ciid ay gaalo sameysatay taasna waa danbi loo geeyay danbi kale. Waxaa ku jira gaalo isku ekeysiin iyo wali kadhigasho Ilaahna taas wuu ka reebay Mu’miniinta, Nabi Muxammad SCW isna wuu cadeeyay wuxuuna yiri “Qofki isku ekeysiiyaa ummad iyaga ayuu ka mid yahay” ciida jacaylkana waa nooca lasheegay; waana ciid sanam caabud iyo Kirishtan, qof Muslim ahna uma banaana inuu ka qaybqaato ama uu ku farxo.
Ma banaana dabaaldaga ciidan bidcada ah sharcigana wax asal ah kuma lahan sharciga waxayna soo galaysaa xadiiski Nabiga SCW ee ahaa:  “Qofkii ku dara arinkeenan wax aanan ku jirin waa celis” micnaha qofkaas. (Waxaa soo saaray Bukhari iyo Muslim)
DARDAARAN

Bal iswaydii annagu waxaa marwalba waynaynaa Nabi Muxammad SCW oon xusnaa ee gaaladu mana raaceen oo manala wayneeyaan Nabigeenna Muxammad SCW? waa maya!!. Haddii ay maya tahay annaga maxaa nahelay hadii aan Islam nahay, oo maxaan gaalada iyo Mushrikiinta ugu dabaal dagaynaa? Miyey ciidaheena nala ciidan jawaabtu waa maya maxaa nagu qasbaaya maalin ay gaaladu farxaan inaan la faraxno miyanan ogeyn in  diinta islaamku na fareyso inaan ka dheeraano wax farad galinaya gaalada miyanan xasuusan in uu nabigu SCW yiri diintina ayaa idiin sugnaatay anigana diintayda islaamka ayaa ii sugnaatay. Waxaa kale oo nasaaran inaan qof walba oo Muslim ah oo aanan aqoon u laheyn arimahan oo kale sidaasna ku dhex galay danbigaas aan u sheegno ugana digno qatarta ku sugan in loo dabaaldago sanam ay gaaladu caabudaan. Diinteenu waxay nafaraysaa inaan wanaaga is farno xumahana aan iska reebno waana waxa aan uga duwannahay ummadaha kale loona baahanyahay in ladabaqo.

Comments