sheeko cajaa'ib ah WAXAN NOQONAA ASXAABTI OO KALE




WAXAN NOQONAA ASXAABTI OO KALE
Macalimad ardo cashir siineysa ayaa waxey damacday ardeyda in ay weydiiso waxa uu rabo qofkaste in uu mustaqbalka noqdo? Ardeydii midkaste siduu jawab u bixinayay ayey ku soo aaday wiil muslim ah kadib ayuu wuxuu ku jawabay anigu waxaan rabaa in aan noqdo sidii asxaabtii oo kale, jawaab aysan horey u maqal ayay ku noqotay oo dhoor jeer ku celisay wiilkii markaas ayay dhahday ii sifee oo ii sharax sida loo noqdo markaas ayuu ku yiri hooyadey ayaa taqaan oo ku bareysa ayada ayaa I bartay, kadib ayay tiri hooyadaa u sheeg in aan u imanayo oo gurina ha igu casuumto hooyadii ayuu arintii u sheegay weyna aqbashay.
Macalimaddii waxey hooyadii u sharxday waxkasta oo ku saabsanaa asxaabi, markey aad ula riyaqday macalimaddii sharaxa wanageda ayay tiri in aan noqdo asxaabi ayaan rabaa? Kadib hooyadii ayaa ugu jawabtay asxaabi hadda lama noqon karo lakiin dhaqankodii ayaa laqadan karaa oo waa lagu daysan karaa ee wax waqti ku eg ayay aheyd asxaabinimadu. Macalimadii oo uu qalbigedu dagay wanagii loo sheegay ayaa tiri sideen ugu dansan karaa? Hooyadii ayaa tiri waad islaameysaa? Sidaas ayay macalimadii ku muslimtay sababna uu ugu noqday wiilkii yaraa. Adigu maxaad dooneysaa mustaqbalka in aad noqodo maxa kugu sarey waxad rabto?

Tulucda sheekada:  waxad ogadaa in haddi wax wanagsan aad ku fekirto maskaxda dad badan aad badali karto han yarantana iska daa oo waxad damceyso ha noqdan wax aysan wax kuu dhimaneyn ( (unknown))

Comments